Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Dawlada Uk oo war ka soo saartay xiisada ka dhalatay safarkii Muuse Biixi ee dalka Gini
Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada ka dhalatay go’aanka ay DF Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Gini.
Harriett Baldwin ayaa sidoo kale waxay ka hadashay saameynta uu Somaliland ku yeelan karo xiriirkaasi labada dal ee xumaaday, kadib markii Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalka Gini.
Wasiir Harriett ayaa waxay ka dhawaajisay talaabada ay dowlada Ingiriisku ka qaadaneyso xiisada u dhaxeysa labada dhinac, iyadoona xustay cida xal waara ka gaari karta xiisada Somaliya iyo Somaliland.
Harriett ayaa arrimahaasi ka hadashay kadib markii Xildhibaan Liz Mclnnes oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska uu weydiiyay in dowladda UK ay wax qiimeyn ah ku sameysay xiriirka xumaaday ee Somaliya iyo Gini.
Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, oo arrintaasi ka hadleysana waxay tiri “Ingiriisku wuu ka war qabaa xiisada la soo weriyay ee Gini iyo Somaliya. Labada wadan iyagaa masuul ka ah xiriirkooda laba geesoodka ah. Kama war qabno wax saamayn ah oo uu xiriirkaasi ku yeelanayo Somaliland”.
Waxayna intaas kusii dartay “Siyaasadda Ingiriiska ayaa ah in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaadhaan xal waara oo la xiriira mustaqbalkooda. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada-hadal nabadeed oo labada dhinac dhexmara”

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.