600 Deg Deg Daawo:Odayaasha Boosaaso Oo U Hanjabay Siciid Deni | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Odayaasha Boosaaso Oo U Hanjabay Siciid Deni

Shir gaar ah oo ay magaalada Boosaaso galabtay ku yeesheen qaar kamid ah Nabadoonada iyo waxgaradka gobalka Barri, ayay si adag uga hadleen xaaladdihii ugu dambeeyey ee magaaladaas ka taagnaa.

Odayaashan waxay cambaareeyeen talaabada ay Xukuumadda Puntland ku xirtay qaar kamid ah waxgaradka Boosaaso, waxayna sheegeen in ay talaabadaas tahay mid muujinaysa xaalad laga fiicnaa.

Madaxweynaha Puntland, waxay ku eedeeyeen in uu wado ficilo muujinaya kuwa horey looga soo gudbay, waxayna qaarkood ku eedeeyeen in uu fashilmay.

Nabadoonada hadlay waxay sheegeen in jidadka burburay iyo Canshuurta shacabka laga qaado aysan is laheyn, deeqdii ay ka heleen dawladda Faderaalkana, waxay sheegeen in aysan celin doonin.

Go`aanka ay qaateen odayaashan dhaqanka ayaa muujinaya mid ay ku taageerayaan dadka la xiray oo diiday in ay dib u ceshaan lacagtaas markii uu dalabkaas ka yimi Xukuumadda Puntland.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyey maanta magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in ay Xukuumaddu amartay in lasoo xiro cid kasta oo isku dayda in ay falal banaanbaxyo ah ka sameyso gudaha magaaladaas.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...