Waxaa magaalada widhwidh ee gobolka cayn ka dhacay munaasibad ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada aqoonyahan deegaanka widhwidh gaar ahaan kuwa ku midaysan urur-weynaha culimada ee Al-Hidaaya,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ururka Dacwada dhalinyarada Al Hidaaya Ee Deegaanka widhwidh oo ah mid ay ku midaysan yihiin dhaliyarada Culimada ee ka soo baxay ama dhigta Machadka Alfurqaan,
Munaasibadan ayaa ujeedkeedu ahaa in lagu soo afmeero Dawro cilmiyeed ay waden mudo dhalinyarada ku midaysan Al Hidaaya kuwaaso uga faa iideeyay dhamaan bulshada deegaanka widhwidh.
Waxgaradka culimada ururada haweenka qeybaha kala duwan ee bulshada widhwidh ayaa ka soo qeyb galay xaflad lagu abaalmarinaayay Xubno Lix ka kooban oo kaalmaha hore ka galay Darwo Cilmiyeedka mudada ay wadan Bahweynta A-lhidaaya.
Ugu Danbayn waxaa halkaasi qudbado dhaxal gal ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Ururka Alhidaaya Cabdiqani Ibraahim iyo Sheikh Cabdifataax Mohamed Cabdilaahi ,Kuwaaso ka sheekeeyay Waayaha iyo waxbadka Ururk Alhidaaya.












