Deg Deg::Deni Oo Xil U Magacaabay Nin Somaliland Ka Soo Baxay

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag loogu magacaabay Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) oo hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dhanka Somaliland.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka kowaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Jaamac Cabdullaahi Cali halka ku xigeenka labaadna loo magacaabay Maxamuud Cumar Liibaan sida ku cad dikreetada madaxweyne Deni.