dahabshiil

Deg Deg::Ciidanka Jubaland Oo Xidhay Suldaan Laga Shakiyay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la kulmayo tartan culus iyo cadaadis ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu doonayo in markii saddexaad loo doorto hoggaanka maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa qaaday talllabo ka dhan ah Odayaasha, gaar ahaan kuwa isaga fakir ahaan ka soo horjeeda.

Ciidamada Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay Kismaayo ku xiray Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow), kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ka shakiyey inuusan fulin doonin qorshihiisa ku aadan doorashada maamulka Jubbaland.

Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka tirsan waxgaradka gobollada Jubbooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey xariga Suldaan Kabow

Wuxuu sheegay in go’aanka lagu xiray uu bixiyey Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana uu doonayo in Nabadoon kale oo been abuur ah uu ku bedalo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in awood maamul ay ka jirto Kismaayo, islamarkaana ay tirsanayaan Cadaalad darro.

Bisha Augusto ee soo socota ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud ee Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe haatan uu la kulmayaa loolan uga imaanaya Musharraxiinta ku sugan Kismaayo iyo cadaadis kale oo ay saareyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=15164

Posted by on Jul 17 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841