Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg::Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Saarakiil iyo Madax ka tirsan Madaxtoyadda Ay Dilen
War ka soo baxa Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Al-Shabaab ayaa baahiyey in dilka koowaad uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa soo ay sheegeen in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada oo lagu magabacaabi jiray Cumar Colow.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xoogagga dilay ay horay uga sii qaateen Marxuumka Mooto uu watay, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa shaaciyey in sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku dileen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Magaca sarkaalkaasi ayey ku sheegeen Xidigow Cumar Dhegajuun.
Dilalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliyeed uu kordhiyey howlgallada ka socda magalada Muqdisho.
Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.