Madaxweynanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waraaq wareegto ah oo ku saabsan wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxayna Xubnaha guddiga ka kooban yihiin lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa guddiga looga dhigay Guddoomiye
Xubnaha guddiga uu magacaabay Madaxweynaha ayaa kala ah
1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade)
3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Dr Cali Siciid Fiqi
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli
