dahabshiil

Deg Deg:Qarax Lagu Weeraray Shirkadda Somtel,

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhex dhacay laanta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Labada Qof ee geeriyootay mid ka mid ah wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Somtel, halka ruuxa kale uu ahaa mid aan shirkadda ka tirsaneyn oo goobta ka ag dhowaa, sida ay Khaatumonews u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay kaabiga ku heyso xarun ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka Cirtoogte.

Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii Khaatumonews ay shaacisay in kooxda Daacish ay u hanjabtay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dahabshiil.

Somtel ayaa waxaa leh Dahabshiil, hase yeeshee ma cadda in qaraxan uu daba socda hanjabaadda Daacish iyo in kale.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka Somtel.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=15141

Posted by on Jul 16 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841