600 Deg Deg:Khayre Oo Khiyaameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Xog Culus Oo Soo Shaacbaxday, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Khayre Oo Khiyaameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Xog Culus Oo Soo Shaacbaxday,

Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo hoos tagay warbaahinta African Intelligence, ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqan doono dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa ujeedada booqashada Farmaajo ku sheegay inuu mas’uuliyiinta dalkaas la samaysto isbahaysi cusub islamarkaana u xaqiijiyo inuu yareyn doono saameynta Qatar ay ku leedahay Soomaaliya.

Sida warbixintan lagu sheegay, madaxweynaha ayaa ka walaacsan isbahaysi hoose oo ay sameysteen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenka iyo sii-hayaha agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin iyo nin aan la shaacin magaciisa oo madax ka ah shirkad soo saarta shidaalka.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in saddexdan mas’uul ay dowladda Kenya kala shaqeynayaan inay la galaan heshiis aan la shaacin waxa uu yahay

Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo uu rumeysan yahay in Kheyre uu xiriir qarsoodi ah la sameystay Qatar, oo maal-gelin doonta ololihiisa doorashada 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa Kheyre siiyey awood ballaraan si uu u xoojiyo taageeradiisa gudaha.

Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha, waxay sheegeen inaysan illaa iyo hadda waxba ka ogeyn booqasho la qorsheeyey in madaxweynaha uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u beeniyey sax ahaanshaha warbixinada la xiriira tuhunada labada mas’uul ay kala qabaan, waxayna ku qeexeen wax aan jirin oo lagu qoslo.

Tuhunka ku saabsan in Kheyre uu madaxweyne isku sharxayo 2021 waa mid muddo taagnaa, hase yeeshee weli ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...