600 Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin,

Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa.

“Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...