600 Deg Deg::Al-shabaab oo digniin siisay ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Soomaaliya | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Al-shabaab oo digniin siisay ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Soomaaliya

Bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Al-shabaab ayaa digniin kama dambays ah loogu diray odoyaashii ergooyinka ahaa ee soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bayaanka oo ku qornaa Af-Soomaali iyo English ayaa lagu sheegay in ergooyinkaasi ay ku dhaceen fal-gaalnimo ah waxaana Al-shabaab u qabatay mudda 45 cisha ah in ay ka toobad keenaan islamarkaana iska diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Al-shabaab waxay ergooyinka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku eedaysay in ay gun-dhig u noqdeen in dalka laga hirgeliyo maamulo ku dhisan Dastuur aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka oo horseedaya in gumeysi la geliyo Soomaaliya.

Waxa kaloo Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan ergooyinkaasi oo aan ka faa’idaysan mudada 45 maalmood ah ee loo qabtay in ay iska soo diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...