Deg Deg:Caare Oo Qarka U Saaran Inuu IS Dhiibo,
Hogaamiyaha Jabhada dib u xoreynta maamulka Somaliland, Kornayl Siciid Caare iyo Mas’uuliyiin ka tirsanmaamulka Somaliland ayaa waxa la filayaa inay u furmaan wada-hadalo.
Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo iyo waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray Odayaal iyo Waxgarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.
Guddigan ayaa maalmahanba waxay wada-hadal uga socday Jabhada Kornaylka oo ku sugan buuraha duleedka magaalada Ceerigaabo.
Waxaana la filayaa in wada-hadaladasi ay qeyb ka noqdaan Mas’uuliyiin ka socda Somaliland si loo soo xero galiyo caare oo hada u muuqda mid is dhiibaya,
Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Jabhada Korneyl Caare ayaa dhowr jeer oo hore dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.