Ku. Shacab Weynaha Beesha Ugaadhyahan ee Maxamuud Garaad

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!


Og. Beel Weynta Habaryoonis iyo Guud ahaan Garxejis

Ujeedo: Soo Dhawayn Shacabka Garxejis

Shir telefoon oo uu yeeshay Guddiga Fullinta Ugaadhyahan wuxuu Go’aan ku Gaadhay inuu ugu Baaqo Shacabka Beesha Ugaadhyahan ee Maxamuud Garaad, oo Degta Dhulka u Dhexeeya Sool, Sanaag, Burco, Garoowe, Qardho, inay Soo Dhaweeyaan Shacabka Beesha Habaryoonis iyo Guud ahaanba Beelweynta Garxejis ee isaga Gudbaaya Deegaanadaas ay Degto Beesha Ugaadhyahan.

Beesha Ugaadhyahan iyadoo tixgelinaysa Derisnimada ka Dhaxaysa Beesha Habaryoonis iyo Ugaadhyahan sidoo kale annagoo ay noo muuqato Cadaadiska iyo Barakicinta “Maamulka Jeegaanta Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin” ku hayaan guud ahaan shacabka Beesha Garxejis. Waxaanu ugu Baaqaynaa shacabka Ugaadhyahan in ay Soo Dhaweeyaan cid kastoo soo mudata dhex markiina iyo wixii kaloo lagama maar maan u ah nolosha qofka, Sida Caafimaadka, Nabad Gelinta nafta iyo maalka isla markaana loo fuurro Goobaha Caafimaadka.

Sidoo kale guddiga fullinta Ugaadhyahan wuxuu ugu Baaqayaa guud ahaan Shacabka Dhulbahante in ay soo dhaweeyaan shacabka Beesha Habaryoonis ee Garxejis oo ay uu Culays Badan Ka Haysto Maamulka Jeegaanta Muuse Biixi oo Horena Dhibaatooyin Kaan oo Kale Ku Hayey Deegaanada Sool iyo Sanaag iyo Cayn

Wabilaahi Towfiiq 12/7/2019

GUDDIGA FULLINTA UGAADHYAHAN