Madaxweynaha ismaamul goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa booqday Isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Wuxuu si gooni ah u kormeer ugu sameeyay qeybta gargaarka deg dega oo la gaarsiiyay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarka lagu qaaday hotelka Cascasey.

Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in dibada loo qaadi doono dhaawacyada culus ee aan waxba looga qaban karin magaalada Kismaayo.

Dhanka kale wuxuu canbaareeyay weerarkaan waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go,antahay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxuu amaan u jeediyay ciidanka amniga Jubbaland oo uu sheegay in si deg deg ah ay kaga jawaab Celiyeen.