War Deg Deg Ah:Wariye Coldoon Oo Maanta Xukun Lagu Riday,

Hargaysa{ Khaatumonews }Maanta oo isniin ah ayaa Maxkamada Hargeysa waxay Go’aan ka gaadhay kiiska dacwadda ah ee loo heysto Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon ayaa dhawaan Xeer ilaalinta maamulka Soomalailand waxaa ay ku eedeysay in uu ku kacay falal ka hor-imaanaya waxay ugu yeedhen qaranimada Soomaliland iyo in uu Dugsiga Abaarso ku tilmaamay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka.

Maxkamada Hargeysa ayaa 4-tii Bishaan waxaa la horkeenay wariye Coldoon,waxaana lagu balamay in Maanta oo Isniin ah kuna beegan 8/7-2019 Go’aan laga gaaro dacwadda loo heysto Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Wariye Cabdi Maalik coldoon ayaa dhowr bilood u xidhnaa maamulka Soomaaliland, ayaa ugu danbayn maanta lagu xukumay sadex sano yo Lix Bilood oo Xabsi ah