Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaari Surf Madow ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana Ciidamada Ammaanka ay ka shakiyeen dhowr xabadoodna lagu riday sidaasina uu ku qarxay.
Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxana halka uu yaallay gaariga qarxay xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo dadka u diidayay inay ka ag dhawaadaan halka uu yaallay gaariga qaraxa siday.