600 War Deg Deg Ah:Khayre Oo Arrin Yaab Leh Kala Kulmay Cadaado, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Khayre Oo Arrin Yaab Leh Kala Kulmay Cadaado,

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay Odayaasha Magaaladaas ay diideen inay la kulmaan Ra’isulwasaare Kheyre.

Ra’isulwasaaraha oo xildhibaano kasoo jeedo Cadaado u diray inay isugu keenaan Odayaasha ayaa waxaa ugu dambeyn la diiday inay kulmaan.

Odayaasha Cadaado ayaa Xildhibaanadii u imaaday u sheegay inaysan marnaba la kulmi doonin Ra’isulwasaare Kheyre iyagoo sheegay inuu ka baxay ballan ay horey u galeen.

Xildhibaanada kasoo jeedo Cadaado oo isku dayey inay odayaasha ku qanciyaan la kulanka Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu fashilmay kadib markii ay Odayaasha ku adkeysteen inaysan marnaba hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaaraha.

Odayaasha ayaa Xildhibaanada deegaankaas kasoo jeedo u sheegay  inaysan iyaga laheyn go’aanka Cadaado sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen inaysan wadahadal la furin Ra’isulwasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ballan hore ku furay.

Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa oo waji gabax kala kulmay Cadaado ayaa lasoo sheegayaa inay u baxeen dhanka Gaalkacyo iyagoo hadda sii marayo Gelinsoor.

Ra’isulwasaaraha ayaa kusii jeedo Gaalkacyo waxayna wararka halkaas ka imaanayo sheegayaan in Odaayasha Gaalkacyo ay Ra’isulwasaaraha u diyaarsadeen shuruudo adag.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...