War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in fagaare ku yaalla Degmada Jamaame Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu sheegay in lagu toogtay 4-ruux.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Saddex kamid ah dadkaas waxa ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sida ay hadalka u dhigeen.
Al-Shabaab waxa ay soo bandhigeen Magacyada iyo da’da ay jireen afarta qof ee ay shalay ku dileen fagaaraha.
1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir waxa ay sheegeen in uu katirsanaa ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ku qabteen Degmada Afgooye.
Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah waxa ay isna sheegeen in uu katirsanaa Maamulka degmada Diinsoor, isla markaana ay howlgal kusoo qabteen.
3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxa ay iyanne sheegeen in ay u shaqeyneysay sirdoonka Kenya, isla markaana u qaabilsaneed la socodka dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee gudaha Kenya.
Qofka afaraad ee ay dileen Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen Magaciisa Nuur Bakar Diiroow oo ay ku eedeeyeen in uu kufsaday Xaawo Cabdi Muuse oo 16-sano jir ahayd.
Fulinta dilalkaan ayaa ka dhigan in muddo todobaad ah ay toogteen 18-ruux oo ay ku kala eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlado kale iyo dad ay ku eedeeyeen in ay sameeyeen Gogol dhaaf.
