Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hor yimid go’aano xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlada Somalia kuwaasoo la xiriiray doorashada maamulkaas.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay faragelin qaawan ku heyso arrimaha doorashooyinka,isla markaana taasi aan la aqbali doonin.
