Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia”Dalalka Caalamku Nooma Gacan Dhaafi karan Maamulada’

Wasiirka arrimaha debadda jamhuuriyadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho kadib kulan uu la qaatay safiirada iyo wakiilada caalamka ee jooga caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay arrimaha kulankaasi looga hadlay.

Wasiirka ayaa sheegay in uu wakiilada dalalka Caalamka ee uu la kulmay u sharraxay sababta dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka guinea Conakry kadib markii waddankaasi ku xadgudbay midnimada wadajirka iyo madax-bannaanida jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cawad ayaa sheegay in maamulka Somaliland aysan ahayn dowlad madax-bannaan ee ay yihiin gobolka ka tirsan jamhuuriyadda Soomaaliya sidaasi darteedna dalkii ula dhaqma waddan madax-bannaan uu ku xadgudbay midnimada dhuleed iyo Qarannimada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya uu ka dhammaaday dulqaadkii islamarkaana aysan haatan wixii ka dambeeya ogolaan doonin in lagu xadgudbo jiritaanka iyo midnimada dalka isagoo ka digay in dowladaha caalamku aysan Soomaaliya u gacan dhaafin gobolladeeda.