Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay jadwalka guud ee doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhacaysa bisha Agoosto ee sannadkan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Guddiga ayaa sheegay in 16-ka bishan July ilaa 6-da bisha Agoosto ay socon doonto soo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland halka 16-ka ilaa 22 bisha July ay socon doonto diiwan-gelinta musharrixiinta doorashada madaxtinimada Jubaland.

Diiwan-gelinta musharrixiinta guddoonka Baarlamanka ayaa iyana socon doonta 14_15 bisha Agoosto waxaan doorashada guddoonka Baarlamanku dhacaysa 18-ka bisha Agoosto ee soo socota sida ku xusan jadwalka.

Guddiga ayaa mudda 15 cisho ah dib u dhigay doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhici lahayd 15-ka Agoosto waxaana sida jadwalka ku cad ay doorashada madaxtinimada Jubaland dhici doontaa 30-ka bisha Agoosto ee socota.