600 Siyaasada Fudud ee Farmaajo Armay Soodhaweysa Aqoonsiga Somaliland, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Siyaasada Fudud ee Farmaajo Armay Soodhaweysa Aqoonsiga Somaliland,

Labadii Bisha Waxaa socdaal Ku tagay Jamuuriyadda Gini Madaxweynaha maamulka Hargaysa oo in ka badan 28 sano U Oomana Wax loogu yeedhay Aqoonsi.

In Somaliland Ay Samayso Dhoolatus Siyaasadeed islamarkaana lacag iyo Laalush ay ku bixiyaan Sidii ay u iibgeen lahaayen Fikirkooda ay ku riyooden ee Inay soomaaliya ka go aan Waa mid ay Xaq u leeyihiin.

Laakiinse Xaq umalaha in Ay Hirgaliyan ama ay U midho Dhasho Labo gobol Burco iyo Hargaysa oo Siyaasad ahaan iyo Istaraaji ahaan aan wax macno ah meelna ugu Fadhiyin caalamka in ay U helan Aqoonis.

Socdaalka Muuse Biixi ee Dalka Gini kadib  dawlada soomaaliya oo ku indho sircaaday socdaalka muuse biixi ayaa la soo booday sidii caadada u ahayd Go aan dagdag ah.

Xukumada Nabad iyo Nolol Dib umaysan raacin socdaalka muuse Biixi ee Laga shaqeeyay ee lagu Bixiyay Wakhtiga iyo Laalushka Dhoolatuskan in uu yahay mid ay dhaafsaden lacag badan balse ilaa hada aysan helin qorshihi socdaalkaasi oo ahaa in ay helan Madaxweynaha Dalkaasi.

Muuse iyo Kooxdiisa socdaalka lacagta badan Lagu Bixiyay Ku tagay Gini ilaa hada lamaysan kulmin  Madaxweynaha Dalkaasi sababto ah Dalkaasi waxaa uu eegay oo aad uga digtoon yahay wixii loogu yeedhilaha  kulanka Muuse iyo Madaxweynaha Dalkaasi sababto ah waxay aad u xeerinayaan oo tixgalinayaan Midnimada soomaaliya iyo Xeerarka ka yaala Qaabka loola dhaqmo Gobol Cadhooday,balse waxaa Nasiib Daro ah soodhaweynta Muuse Biixi Ee aan Wax Bamboy ah loo Garaacin laguna soo dhaweyn wax astaan qaran ah In ay ku rido Dawlada Nabad iyo nolol Anfariir islamarkaana ay ka Anfariiran Diyaarad Alikobtar ah oo Lagu qaaday Muuse Biixi iyo Hotel weyn oo la dajiyay,

Deni iyo Axmed Madoobe-labaduba wey raacan Diyaarad elikobtar ah haday wax macno ah leedahay,

Su aasha Is weydiinta Mudan ayaa ah Dal aan wax Astaan ah Ku soodhaweyn Hogaamiye Gobol Islamarkaana ilaa hada Aan madaxweynihii lala kulmin Ma mudan Yahay In Cadaawad Laga Samaysto oo xidhiidhka loo jaro?

Dulucda Qoraalkayga ayaa Ku soo Xidhaya Xidhiidhka dawlada Soomaaliya Ay sheegtay inay U Jartay Dalkaasi Gini armay Ka wacneed in ay Qaab Siyaasadeed u marto soodhaweynta ay Ka Diday Ee Muuse Biixi islamarkaana ma la odhan kara Xidhiidhka ay u jartay Dawladu Dalkaasi waa mid Cadow iyo Colaad Ku kicin Kara dawlada soomaaliya Saaxiibo badana u samaynaya Maamulka Somaliland.

WQ Cabdinuur Cartan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...