Qadiyada Somaliland weligeed run lagama sheegin, dib u eeg 1960.

Bal u fiirso, 28 sannadood ee u dambeeyey waxaa Somaliland siyaasiyiinteedu ku doodayeen 1960 waxaa Somaliland aqoonsaday 34 dawladood, iskadaa 34 dal oo Somaliland 1960 aqoonsaday ee xataa majirto 5 dawladood oo Hambalyo usoo diray.

Somaliland hal saacad oo keliya 1960kii kursi kuma yeelan aqalka qaramada midoobay, xataa majirin warqad loo diray qaramada midoobay oo lagaga dalbaday jiritaanka dawladnimo.

1960kii waxaa gaadhay aqalka qaramada midoobay hal malaf oo qeexaya hal dawlad oo layidhaahdo Jamhuuriyada Soomaaliya, taasoo markii dambena wakhtigii Maxamed Siyaad Barre loogu yeedhi jiray Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaiyeed; malafkaasi oo qeexaya xuduudaha bad iyo beri ee Soomaaliya iyo bed ahaanta dhuleed.

Jabnaanta doodda ah labba dawladood baa midoobay waa sababta keentay In 26june looga doortay 18 May.
Cidii qabta doodda ah labba dal oo madax banaan ayaa midoobay ha keento cadaymo burinaya xaqiiqooyinka kor ku xusan.

Cidii haysa liiska 34 dawladood 1960 aqoonsaday Somaliland iyo cidii haysa hal maalin amma saacad oo Somaliland kursi ku yeelatay qaramada midoobay halkan hanagula wadaagto