Xogihii u dambeeyey ee safarkii Muuse Biixi iyo Guinea.

Iyadoo shacabka Somaliland siweyn wax isaga waydiinayeen tegista Madaxweyne Biixi ee Guinea iyo waxa iska khuseeya qadiyada Somaliland sidoo kale sumcada safarkaasi soo hoyn karo maadaama Rooga cas Imaaraatkuba labba jeer u goglay kornaylka.

Dhinaca kalena haddii qaranimo iib tahay Dekeddii Berbera iyo Madaarkii military labbadaas oo wax ka qaalisani haatan jirin ay Somaliland u jari wayday ictiraaf ha joogee warqada dal ku galka in imaaraatku saaro Passport-ka Somalland.

Waddankan yar ee Afrikada galbeed ku yaala oo aan qiimo badan iyo Sumcad midna ugu fadhiyin dunida, sababo la xidhiidha Geopolitical ahaan iyo Sumcad ahaan midnaba ayaa tegitaanka kornayl Biixi waxaa sababay ismuujin mudo lagasoo shaqeeyey taasoo Madaxweyne Biixi uu ka gacan siiyey Ganacsade reer Hargeysa ah oo lagu magcaabo Ahmed-Diini dadka qaarkoodna u yaqaanaan Ahmed-Diinaari oo hore reer imaaraat u ahaa, 8 sanno ee u dambeeyeyna dalkaasi iyo waddanka Senegal ka ganacsanayey, Ahmed-Diini horena Somaliland waa ninkii Keenay Carabkii reer Imaaraat ee Yaasir Aljaabiri.

Soodhaweynta wasiirka khaarajiga ee Guinea uu soodhaweeyey Madaxweyne Biixi ayaa iyana ku timi dhaqaale badan oo ganacsadahan iyo xukuumada Somaliland ku bixiyeen, taas oo wasiirka khaarajiga Guinea lagu siiyey si’uu soodhaweyn ugu sameeyo.

Waxaan suurtagelin oo tan iyo xalay muran ka taagan yahay qaabka Kornayl Biixi ula kulmi lahaa Madaxweynaha Guinea iyo nooca maamuuska lagu qaabilayo.

Safarada is-muujinta ah ee Kornaylka iyo Xukuumadiisu inay gaadhaan heer lacag ay ku bixiyaan ayaa waxaa keenay Caalamka oo xiligan meel adag ka taagan helitaanka Qaran Soomaaliyeed oo mid ah iyo daneeyeyaashii Somaliland ka bixin jiray kharashaadka iyo dhaqaalaha Ciidamada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo maamul wanaaga oo haatan ka niyad jabay dib u socodka xawaaraha kulul ku socda ee maamul Somaliland ku habsaday.