600 Deg Deg:Dawladda Somalia Oo Ciidan Xoog Leh u Diyaarisay Kismaayo. | KHAATUMO NEWS

Warning: Use of undefined constant newstheme_menucat - assumed 'newstheme_menucat' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/assets/dropdown.php on line 3
dahabshiil

Warning: Use of undefined constant newstheme_activate - assumed 'newstheme_activate' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 2

Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21

Deg Deg:Dawladda Somalia Oo Ciidan Xoog Leh u Diyaarisay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa tababar aqoon korarsi ah u furtay 350 Askari oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo badankood Ciidanka ka soo galay degaanada Jubbaland oo ay doorasho ku soo wajahan tahay bilooyinka soo aadan.

Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Turkiga waxaana loo qorsheeyay in muddo 20 Cesho ah ay gacanta ku heyso lana siiyo cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaalado adag oo amaanka iyo siyaasadda ah.

Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan magaalada Kismaayo oo awoodda ugu badan ee halkaas ka jirta tahay maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Khaatumonews u sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan si ay halkaasi uga dhacdo doorasho ay maamulo Xukuumadda Soomaaliya.

Su’aalo badan ayaa ka taagan sida Ciidamada tababarka loo furay loo geyn doono magaalada Kismaayo maadaama dowladda Soomaaliya aysan heshiis la heyn maamulka Axmed Madoobe oo aad ugu xoogan Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in guulo wanaagsan ay ka gaartay jahwareerkii muddo ka badan 2 sano ka taagnaa maamulka Galmudug hadana ay dooneyso in ay milkiso Jubbaland oo ah maamul dhowaan geli doono doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha.

Wax sahlan ma’ahan in Kismaayo noqoto sida magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb markii loo eego awoodda maamulka Axmed Madoobe laakiin dhanka kale waxkasta waa laga filan karaa Villa Somalia oo meelo badan oo ay weerareen ka soo hoyay guulo waa-wayn oo aa ay u raadinayaan Kheyrre iyo Farmaajo.


Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Loading...

Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86

Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...