Deg Deg Daawo:Dagaal Dhexmaray Ciidanka Puntland iyo…..
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay duleedka Magaaladaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka mareero oo 10 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, halka shan kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal uu maanta ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga beegan magaalada Boosaaso.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada amaanka Puntland iyo maleeshiyaadka ilaalada u ah Kooxaha wax tahriibiya.
Waxaana ay ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaari ka mid ah kuwa dagaalka oo ay lahaayeen kooxaha Maleeshiyaadka.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Puntland.