Deg Deg Daawo:Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Khayre Ka Dhacay Cadaado,

Muddaharaad ballaaran oo looga horjeedo go’aankii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labadaba lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadka muddaharaadyada ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin waxaan doonaynaa Maqaamka Cadaado iyo ereyo kale oo ka dhan ah go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aaddana in doorashada lagu qaban doono Dhuusamareeb.

Hoggaanka Dhaqanka magaalada Cadaado ayaa iyana shalay ka soo horjeestay go’aanka Ra’iisul wasaaraha iyagoo ku eedeeyay in uu ballanta uga baxay kadib markii sid ay sheegeen uu qaatay go’aan aan la isla ogayn islamarkaana uu awoodihii maamulka oo dhan geeyay Dhuusamareeb.