dahabshiil

Deg Deg Daawo:Khayre Oo La Wareegay Ciidankii Ahlu Sunna,

Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta si rasmi ah ciidamadoodii ugu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu wareejiyay ciidamadaasi ayaa lagu qabtay xerada qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxa xafladda goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay tallaabada ay qaatay Ahlu-Sunna Waljaamaca

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay soo wareejiyeen la qarameyn doono, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis gaar ah oo ay kala saxiixdeen xukuumadda Soomaaliya iyo Ururkii Ahlu-Sunna ee ku biiray maamulka Galmudug.

Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen ciidamadani ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa ka howlgali doono ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Isbedallada ka dhacay deegaanada Galmudug oo ah kuwa aan la filaneyn ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan doorasho ay ka dhicin doonto maamulkaasi.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=14570

Posted by on Jul 2 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841