600 Deg Deg Daawo:MD Farmaajo Kaga Nixiyay Kenya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:MD Farmaajo Kaga Nixiyay Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho si aysan kooxaha nabad-diidka ugu soo dhex dhuuman Shacabka dabaal degaya una dhibaatey

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...