Deg Deg Daawo:Culimada Caalamka Oo Ka Hadashay Waxa uu yahay Yoga Oo Garoowe laga xusay.

Xukunka yoogada waxaa ka hadlay culumo badan oo caan ah, kuwaas oo tilmaamay in aysan bulshada muslimiinta u banaanayn yoogadu waxaana kamid ah culumadaas Dr zaakir Naik, Sh maxamed ibnu saalix almunjid sidoo kale waxa fatwo wadareed ka soo saaray dhammaan culumada wadanka Maleesiya taas oo ay uga dhigeen dadka musliminta ah in ay sameeyaan yoogada, waxay caddeeyeen in samaynteedu xaaraan tahay.
Waxa yaalaha ay culumadaas u cuskadeen xukunkeeda waxaa ka mid .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

1: Waa jimicsi ay leeyihiin dadka qorroxda caabuda ee reer Hindiya jimicsigaas oo xidhidh la leh cibaadadooda shirkiga ah, Nebiguna SCW wuxuu reebay in Gaalada la ma metelo ( la isu eekaysiiyo) weliba marka ay cibaado noqoto way kasii adag tahay.
2: yoogada macnaheedu waa
الإتحاد بين الجسم والروح
Midowga jidhka iyo ruuxda Ereyga ruuxna waxay ula jeedaan الله taas oo macnaheeda ka dhigaysa xidhidhka: jidhka iyo Alle .

3: jimicsigan waqtiga la samaynayo waxaa jira Areyo lagu dhawaaqo ku waas oo ka tarjumaya in cid Alle aan ahayn lamagan galo, magacyo 12 ah oo qoraxdu leedahay ayaana ka mid ah ah waxyaalaha lagu dhawaaqo, maadaaba dadka hindisay qorraxda ay caabudaan.

4: Jimicsigan waxaa ka mid kuwo loo sameeyo si anshax xumo ah oo khilaafsan adaabta islaamka.

5: Jimicsigan cilmi baadhis lasameeyey waxtar uma laha jidhka bal caafimaadka ayuu wax yeelaa, waxaana ka mid ah kuwo qofka laga rabo inuu isqaawiyo qoraxdana uu isu dhigo, iyo kuwo qoraxda la eego daqiiqado badan.

6. Jimicsigan waxaa ka dhalanaya waqtiga oo lagu lumiyo wax aan faa’ido lahayn.

Arimahan waxaad ka helaysaa cilmibaadhista kala duwan ee culumada ay saameeyeen.

Sidoo kale waxaa jira kitaab la dhaho
اليوغا في ميزان النقد العلمي تأليف: فارس علوان.
Kaas oo si faahfaahsan ugu hadlay yoogada.

C.rahman ahmed garaad soofe