DAAWO:-Afhayeenka Isimada Puntland Oo Kashifay Hadal dhexmaray Isaga iyo Raysal Wasaare Khayre

maqal iyo muuqaal Wararka

Af-hayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in wax walba oo magaca Soomaaliyeed ku yimid lagu koobay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Garaadka oo kamid ah isimada ugu caansan degaannada Puntland, ayaa tilmaamay in xataa kaydka Taariikhda dalka ee Muqdisho yaalla, laga saaray halgamayaashii xornimada Soomaaliya kuwooda ka soo jeeday dhulka kale ee Soomaalida,laguna koobay dadka u dhashay magaalada Muqdisho.

Garaadka ayaa ka warramay sheeko dhex-martay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kadib markii sida uu sheegay uu su’aalay cidda iska leh magaalada Muqdisho? Iyadoo jawaabaha dhex-maray uu si weyn ugu qoslay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Garaad ayaa sheegay in maalmaha Muqdisho laga xusayo halgankii xornimada Soomaaliya aan lagu soo darin halyeeygii curiyay calanka Qaranka Maxamed Cawaale Liibaan, taasi beddelkeedana la soo bandhigo taariikho kale.