600 War Deg Deg Ah:Xaaska Madaxweyne Ku Xigeenka Oo La Baxsaday Lacag Malayiin Dollar Ah iyo Dalkay Iska Dhiibtay. | KHAATUMO NEWS

Warning: Use of undefined constant newstheme_menucat - assumed 'newstheme_menucat' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/assets/dropdown.php on line 3
dahabshiil

Warning: Use of undefined constant newstheme_activate - assumed 'newstheme_activate' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 2

Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21

War Deg Deg Ah:Xaaska Madaxweyne Ku Xigeenka Oo La Baxsaday Lacag Malayiin Dollar Ah iyo Dalkay Iska Dhiibtay.

Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Ra’isulwasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum ayaa la baxsatay lacag Malaayiin Dollar ah.

Marwadaan oo lagu magacaabo Amiir Haya Bintu Xuseen oo ay isku aabe yihiin Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Xuseen Bin Dalaala ayaa la sheegay inay la baxsatay lacag 40 Malyan oo Dollar.

Amiirad Haya Bintu Xuseen ayaa la sheegay inay horey usii wadatay laba carruur oo ay u dhashay Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum waxayna iska dhiibtay dalka Jarmalka oo ka tirsan Yurub.

Labada carruur oo ay Amiiradaan la baxsatay ayaa kala ahaa wiil 7 jir ah iyo gabar jiray 11 jir, waxayna magangalyo waydiisatay Dalka Jarmalka.

Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa laga soo wariyey inay sheegtay inay dooneyso abuuritaanka nolol iyo jawi ka duwan midkii ay horey ugu jirtay sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast.

Haweeneydaasi oo markii ugu war dambaysay bishii hore lagu arkay  meel Fagaare dadweyne, ayaa la sheegay inay Jarmalka ka codsatay Magangelyo, lana oggolaaday codsigeeda.

Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa diiday codsi kaga yimid  seygeeda Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum oo ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan iyada iyo ilmaha ay u dhashay.

Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast arrintaan ayaa waxaa laga yaabaa inay abuurto xiisad diplomaasiyadeed oo dhexeyso dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Amiirada ayaa la sheegay inay hadda ku dhuumaneyso qeybo kamid ah Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London, iyadoo hawada ka saartay dhammaan barihii bulshada oo ay isticmaali jirtay.

Baxashada amiiradaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay  markii uu seygeeda oo ay is guursadeen 15 sano ah uu diiday inuu furo inkastoo aan la ogeyn waxa  uu ka dhashay khilaafka labada lamaane.


Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Loading...

Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86

Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...