600 Deg Deg:;Kenya oo war cusub kasoo saartay mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Maamulka Somaliland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:;Kenya oo war cusub kasoo saartay mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Maamulka Somaliland

adib qoraalkii muranka dhaliyey, dowladda Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartey mowqifkeeda ku wajahan Somaliland oo ay xiriir la yeelaneysay mudooyinkii u dambeeyay.

War kooban oo isbuucii hore lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa maamulka gooni isu taaga ah ku tilmaamay “dal” taasoo muran xoogan dhalisay.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda wadanka Kenya oo arrintaan waxay tiri: “Mowqifkeena ku aadan Somaliland waxa uu lamid yahay midka Midowga Afrika. Waxa aanu xishmeynayaa xuduudaha Afrika sida ku xusan heshiiskii AU-da ee sanadkii 1964-tii”.

Xukuumada Muqdisho wali kama aysan fal-celin talaabada ay Kenya ku dhaqaaqdey ee ah “wadanka” ugu yeertay maamulka Hargeysa xili Nairobi ay sheegtay in ay difaacaneyso danaheeda.

Hasa ahaatee, Mr Juma oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay: “Waxa aan dano ka leenahay dalal kahor inta aysan noqon wadamo madax banaan sida Suudaanta Koonfureed oo aan ku lahayn wakiilo, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, dal noocaasi ah ayaanu nahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanan la macaamilin dadka, waan la macaamileynaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...