Siyaasaddu waa hoo oo isii, waliba tan dawladuhu weedh kasta macno weyn ayey ku fadhidaa, tan xisbiyada dalka gudihiisa ayaa iyaduna ah mid labada xisbi ee siyaasad wadaaga noqonaya ee doonaya in ay dal wada xukumaan ay ku gorgortamaan maxaad ii ogoshahay iyo maxaad iiga tanaasuli.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sida muuqata siyaasaddii ay xukuumadda NN ku taageertay Sucuudiga sida.

1. Kanada oo ay canbaaraysay oo ay Sucuudiga garabka saartay.
2.Jamaal Khaashaqji dhalaalintiisii oo ay Sucuudiga ku raacday aragtida ay arrintaasi ka soo bandhigeen laba jeer.
3.Xuuthiyiinta oo ay markasta oo Sucuudigu ka doono in ay xukuumadda Soomaaliya canbaarayso ay canbaareeyaan ilaa hadda shan bayaan waa ay ka soo saartay xukuumaddu.
4.Mursi oo ay ka gaabsadeen in ay Tacsiyadeeyaan.
5.Canbaaraynta Iiraan iyo isgarab taaga Sucuudiga.

Intaasba xukuumadda Soomaaliya waxay ku heshay in Sucuudigu mawqif adag iska taago xoolaha ka dhoofa Berbera oo ay Sucuudigu go’aan soo saareen ay Hargeysa ku xidhayaan warqad ogolaansho ah oo ay xukuumadda Soomaaliya ka soo qaataan, taas oo ku noqotay laf dhuunta u gashay “Somaliland” oo ay liqi kari wayday. Waana siyaasada “marba waa mide, Mus ma kula koray”
Oo waa tii “ Somaliland” iyaga oo aan dhula dhacooda hubsan Imaaraadka iyo Sucuudiga ku taageeray arrintii cuna qabataynta Qatar, iyagoo ku xumeynaya Xukuumadda Federaalka.

Waa siyaasad ku qotonta masaalix lagu dul soconayo dad la shiilay iyo kuwa xabsiyo ku jira, sidaas oo ay tahay ayey haddana u tahay xukuumada guul marka lagu qiyaaso aragtida haddaan ku taageero maxaan helayaa, waase arrin akhlaaqda iyo damiirka ku qotoma diinta baal marsan, marka dad dhibtadkod manfaco siyaasadeed lagu helo, waase siyaasad daahiya ah, oo Mikifiili buugiisii Al-amiir ku qoray, siyaasaddu damiir iyo akhlaaq malaha laakiin dan joogta ah ayey leedahay aabahaa hadduu iskaa hortaago waad dilaysaa, haddii miskiin la googoynayo aad dul timaadid oo lagu dul dhaantaynayo dhinacaaga ka gal haddii aad helaysid waxaad doonaysid,Inanta madaxweynuhu haday doonto in aad habeen cas la qaadatid wasiirna lagaa dhigayo, nalkaaga guduudan shido.

Siyaasadaha gudaha dalalka ka dhacaana waatan Xaaf iyo xukuumada NN oo kale, Xaaf wuxuu ciyaaray siyaasad Cabqariyad ku dhisan tahay, wuxuuna darmaday ku fadhiyeen ka hoos qaaday Ahlu Sunna Waljamaaca oo iyaguna mar kaliya nalkii Xaaf ka dansaday, todobaadyadii tagay Galmudug waxaa ka soctay siyaasad lafaha layska jabinayo.

Xukuumadda NN xaq ayey u lahayd In ay weerar ku qaado Xaaf waayo waa ay is hayeen, Ahlu Sunna Waljamaaca iyaguna in ay xaaladda ka faa’iideystaan xaq ayey u yeesheen waayo waxaa u soo baxday in ay faa’iido siyaasadeed ugu jirto qodobada xukuumaddu u soo bandhigtay, Xaafna in uu miiska labadoodaba ku gediyo waxay ahayd caqariyad siyaasadeed oo isaga dani ugu jirtay oo uu labada dhinacba waraaqihii iskaga yaaciyo, shirqoolkii ay u dhigeena manfacii ka dhalan lahaa waxba kama jiraan ka dhigay.

Waxay taasi sababtay in Khayre ka daba rucleeyo Xaaf , Ahlu Sunna Waljaamaca heshiiskii uu la galayna kor u hayo, waayo waxbaa ka soo noqday, heshiiskan hadda Xaaf iyo NN wada saxeexdeen laftarkiisu maaha mid si cad u qeexaya goobta doorashada lagu qabanayo, Dhuusamareebna qodobka Afaraad ee heshiiska ayey ku qaydan tahay , kaas oo ah in ay ka hawl galaan dhammaan hay’adaha maamul goboleedka Galmudug iyo kan xukuumadda Federaalka, taasina waa in awoodda magaalada laga wareejiyo Ahlu Sunna Waljamaaca iyana waa caqabad kale.

Xaaf waxaa miisaan u yeelay heshiiska ay isla gaadheen Khayre wuxuuna hoggaamin doona isbadelka Galmudug iyo dib u heshiisiinta iyo shirarka ka dhici doona Galmudug gaar ahaan ka Hobiyo, waxaana xilligan hoos udhacay saamayntii Ahlu Sunnah Waljamaac.

Labada arrimoodba waxay ina tusayaan in aynu yeelanay siyaasiyiin aan ku hawl galin mab’da iyo Akhlaaq suuban , sidaas oo ay tahay ayaa Madaxtooyadana waxaa ka buuxa kuwii bulshada minbarka Akhlaaqda wanaagsan uga tilmaami jiray dhinaca kalena culimo wixii afkooda ka soo baxaaba in mab’da la xoojiyo dadka ku boorinaya.

Siyaasaddu waa sidan dhinac walba daahiyiin ayeynu ku yeelanay.

الغاية تبرر الوسيلة