600 Deg Deg:Maxaa Ka Cusub Kismaayo Saaka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Maxaa Ka Cusub Kismaayo Saaka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ergada soo xuli laheyd Xildhibaanada saacadihii la soo dhaafay ay gaareen magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa xarun gaar ah dajisay Ergada, kuwaas oo amnigooda si gaar ah loo sugi doono.

Ololaha doorashada ayaa ka socda Kismaayo oo ay haatan ku sugan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa jira galan-gal xoogan oo ay waddo dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dagaal hoose ay ku jirto maamulka haatan talada haya ee Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa Muqdisho ku marti qaatay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo la dejiyay xarunta NISA.

Sababta uu socdaalka qarsoodiga ah ugu yimid wasiir Janan Caasimada ayaa la aaminsan yahay inay tahay sidii ay dowladdu u heli laheyd jaanis ay qeyb kaga noqoto doorashada ka dhaceyso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland .

Doorashadan ayaa la filayaa inay qabsoonto bisha August ee soo socota, iyadoo ay sanadkan ka adag tahay kii hore.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...