Dagaalka oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa Maanta markale waxaa uu ka dhacay deegaanka Hees oo duleedka ka ah degmada Matabaan,waxaana dagaalkaas uu yahay mid soo lab laabta,isla markaana uu salka ku haayo isku qabsi dhul daaqsimeed ku yalla deegaankaas.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wariyeyaal ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo dhacay Barqanimadii Maanta ay ku geeriyoodeen Afar Ruux halka 15 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ah maleeshiyaadka dagaalamay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan ka jirta deegaanka Hees ee lagu dagaalamay,waxaana saacadihii la soo dhaafay dadka deegaankaas ay bilaabeen inay barakacaan, iyaga oo ka casbi qaba in waxyeelo ay kazoo gaarto dagaalkaas.
Wararka laga kala helayo Magaalooyinka Baladweyne iyo Guriceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in la geeyay dadkii kuu dhaawacmay dagaalkaas ka dhacay duleedka deegaanka Hees ee Gobolka Hiiraam.
Dagaalka Maanta markale dib uga qarxay gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu sheegay in dagalkaas uu yahay mid siyaasadeysan,isla markaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.