Jaamac Ismamcil Cawil iyo Maryan Ismaacil cawil Waa Wiil iyo Gabadh walaalo ah Waxaana la nool Aabohood Ismaacil Cawil Sugule oo ah Indhoole.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sadexda Ruux iyo Hooyada Dhashay Shamis Bil Farax dhamaan tood waxay ku Nool yihiin Geedkan Hoostiisa oo kuyaal duleedka deegaanka widhwidh ee Gobolka Cayn,
Qoyskan ka Hor inta aysan imaan Geedkan Hoostiisa waxay ku noolaayen Baadiyaha Widh Widh waxayna lahaayen Wax aduunyo ah xoolo aan saas u badneen Xoolihiina waxaa ka Dhamaysay Abaartii dalka soo martay,
Reerkasta Masiibada Haleesha inbay leeg tahay Masiibada ku dhacday Qoyskan Dhibanayaasha ah waa mid lagu eegaayo in badan oo Caafimaad qabta.
Walaalaha Muxsiniinta ah Ee soomaaliyeed waxaa loogu baaqaya inay Gurmad Caafimaad iyo Mid Nololeedka Qoyskan lala soo gaadho oo il naxariiste lagu soo eego dhibanayaashan, ilaahay u gartay inay saas ahaadan iyana ku qanacsan Qadarta alle..
Shilamada aynu maanta Dar ilaahay usiino qoyskan Bari ayeynu Helana iyagoo inta ka miisan weyn islamarkaana wax aadan Filayn oo badan kaga noqon doona Difaac,
Walal Wixii Faahfaahin ah Kala Xidhiidh Sheikh cabdifatax Mohamed Cabdilaahi Kamid ah Culimada Widhwidh.
Tel +252 63-4983533 ama Hooyada Dhashay Ubadkan Shamis Bile Faarax Tell: +25263 4841467
