Deg Deg:Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Degmada Wanlaweyn.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saaka aroortii hore uu ka bilowday gudaha degmadaasi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Khasaare leh dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay.