Deg Deg Daawo:Puntland iyo Itoobiya oo ku dhowaaqay iskaashi cusub

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu habeenimadii Arbacadda Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafe Cumar.

Deni iyo Mustafa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socda isla markaana yeeshay kulan gaar ah kaasi oo ay dibad joog ka ahayd warbaahinta ayaa shirka kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafada.

Ugu horeyntii, hogaamiyaha Puntland ayaa tilmaamay in ay lafa gureen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Puntland-Itoobiya iyo iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo ganacsiga.

“Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Deni.

Hoos Ka Daawo Muqaalka