600 Deg Deg Daawo:Meydka Haweeney laga helay Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Meydka Haweeney laga helay Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Hotel ku yaal laga helay meydka Haweeney.

Meydka Haweeneydaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Hey’adda Dambi Baarista Booliska ee CID.

Haweeneydaan ayaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd.

Suleeqo ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay.

Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer.

Wararka qaar ayaa sheegayo inuu jiro shaku ku aadan in haweeneydaan lagu sameeyey Hotelka dhexdiisa sidaasna ay ku dhimatay.

Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...