26 June Goboladii Dhaliyay Ee SSC 59 Sano Kadib ayay Galen Guumaysi Qabiil’

Hadaan isku dayo Inaan wax yar ka dhaho Damashaadka Xamar iyo Hargaysa ee 26 June waxaan raba inaan Bulshada reer Khaatumo u iftiimiyo wax yar oo Ka qarsoon.

Gobolada SSC Sool sanaag Cayn waxaa ay Ahaayen Laf Dhabartii Halgankii Xornimada ee 26 june waana Dadka kaliye Naf iyo Maalba u huray 26 June.

Xamar waxaa ka dhacay Dabaaldag uu ka qeyb Galay Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo kamid ah maamulka hada talada xamar haya.

Saacadu markay ahayd 12 Habeenimo ayuu Farmaajo iyo Kooxda reer Koonfurka ahi ilmo iyo qiiro been ah cabar samada eegen calankana sudhen xamar iyagoo iska indho itraya taariikhda dhabta ah ee 26 june islamarkaana hambalyo iyo Sabaalo ugu daraya Kuwii Basaasiinta ahaa ee ingiriiska u shaqeen jiray.

Xamar iyo masuuliyiinta ka taliyaha oo kii yimaadaba iska indho tiro gobolada ssc hadaan halkaasi ku dhaafo Hargaysa maxaa ka dhacay.

Hargaysa xalay waxaa ka dhacay iyana Munaasibad Loogu dabaal dagaayo 26 june kuwa dabaal dagayana yihiin kuwii Basaasiinta iyo Dabadhilifka u ahaa guumaystaha kaba darane ilaa hada ku doodaya Xuduudka Guumaystaha.

Intaaso dhan waxaa ka daran ka been sheegida Ay taariikhda ka been abuurten oo sudhen calan aan xiliga la sudhin Hargaysa.

Hadaba Qiirada iyo oohinta Beenta ah ee xamar iyo Taariikhda La iska indho tiraayo ee Hargaysa maxaa iga dhigiis ah hataanu nahay reer SSC Mar hadiiba dib 59 sano kadib guumaysi Isaaq ay ku jiran Dhulkeygu,

 55 total views,  1 views today