600 Deg Deg:Dawlada Somalia Badashey Qorshihii Galmudug. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Dawlada Somalia Badashey Qorshihii Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wax ka beddelay qorshihii dowladda federaalka ay ku wajahnaa maamulka Galmudug, isaga oo kulamo ka wada magaalada Dhuuso-mareeb.

Dowladda oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, ayaa haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajoneyso, si xaalada loo dejiyo, islamarkaana loo gaaro heshiis ay dhammaan dhinacyada ku qanacsan yihiin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan la yeeshay Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaanka ugu sareeya Ahlu-Sunna, isaga oo ka dhaadhiciyey sidii loo qaban lahaa shir dhinacyada Galmudug la isugu keenayo, ka hor inta aan doorasho la qaban.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tagi doona magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Qorshaha dowladda oo markii hore ahaa inay la macaamisho Ahlu-Sunna oo ay meesha ka tuurto Xaaf ayaa is beddelay kadib markii Xaaf uu aqbalay doorasho kana baxay heshiiskii Ahlu-Sunna.

Kheyre ayaa doonaya inuu xaqiijiyo in Galmudug ay doorato madaxweyne lagu wada qanacsan yahay, si khilaafka jira haddii la xaliyo uusan durba dib uga soo shaac bixin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...