600 War Deg Deg Ah Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay War Naxdin Ku ah Maamulada. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay War Naxdin Ku ah Maamulada.

Muqdisho{ Khaatumomews }Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayay arrimaha federaalka ayaa cod dheer ku dheegay in uu rabo dowlad dhexe oo awood leh.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Ummadda ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada dalka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorka maamul goboleedyada ku sheegay kaliya inuu yahay daadajinta adeegyada.

“Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate (habka kale ee federaalka ee dowladaha isku biirey ), inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah” ayuu yiri madaxweynahu.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay “Maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa.’

Dowladda dhexe ee federaalka ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmeysay madaxda maamullada dalka, kuwaas oo ay marar badan madaxa isla galeen.

Xiisada ugu daran ayaa haatan ka taagan Galmudug, waxaana ay ka dhalatay doorasho ay dowladdu u qaban qaabineyso inay dhacdo afarta bisha July ee soo socota.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...