Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Wefti Culus Oo Ku Wajahan Cadaado.
Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta la filayaa inay tagaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay deegaan doorashadooda tahay deegaanada Galmudug.
Wafdiga Xildhibaanada ah ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari,waxaana qeyb ka noqon doona Xildhibaanada kala ah,Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale.
U jeedka wafdigaan tagaya Magalada Cadaado ayaa waxa lagu sheegay xaalada siyaasadeed ee kusoo korortay deegaanada Galmudug, iyada oo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sugan yahay deegaanka Godinlabe oo u dhaxeeya Magalaalooyinka Cadaado & Dhuusamareeb.
Xubnaha wafdiga Xildhibaanada ah ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay inay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb.
Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudo 12 Saacadood gudaheed ah isku bedeshay in kastoo weli ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed ayaa hadana waxa la filayaa in la qabto doorashada Maamulka Galmudug,isla markaana ay qeyb weyn ku yeelato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.