600 Deg Deg:Wadahadlkii Maamulka Somaliland Iyo Dawladda Soomaaliya Oo Beri Furmaya, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Wadahadlkii Maamulka Somaliland Iyo Dawladda Soomaaliya Oo Beri Furmaya,

Hargaysa{ Khaatumonews} Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa la filayaa in Maalinta berito  ay ka furmaan shirar horudhac u ah bilaawga wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland oo dhowr sano aan qabsoomin.

Kulamada  ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), iyada oo lagu doonayo in la wadahadal siiyo Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland oo aaminsan Soomaaliya inteeda kale inay ka go’day.

Ilo xog-ogaal ay khaatumonews waxaa ay u sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalladaas ku meteli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya  Dr Nuur Diiriye( Fursade) & Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdi Sataar Geelle.

Dhinaca maamulka Soomaliland ayaa waxaa kulamadaas ka qeyb geli doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha  Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol & Wakiilka Soomaaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar .

Sidoo kale kulanka ama wadahadallada ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Soomaalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo iyo Mas’uuliyiin kale.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo sanadkii 2015kii,waxaana dhowr jeer fashilmay wadahadallo la doonayay in ay u bilaawdaan, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan wadahadalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...