Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweyne Ku xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire.General Morgan.iyo Axmed Cabdi Xaabsade.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa.
Kulan ayaa salka ku hayey is xogwaraysi guud oo uu Madaxweyne Deni la yeelanayo Janaraalada Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka
