Deg Deg Daawo::-Xaaf Oo ku Dhawaaqay Labo Qodob oo yaab Leh.
June 24, 2019
Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug iyo in uu ogolaaday inay doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo sheegay in lagu qabanayo Magalada Cadaado.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qoraalka Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda mid dib ugu celinaya Maamulka Galmudug ka sidii uu ahaa ka hor heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,isla markaana uu fariisin ka sameysanayo Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug