Hanbalyo Qawmiyadaha Itoobiya ee Xoroobaya!

Qulqulatada maalmahan ka socota gobolka Amxaarada waa bilowgii xoriyada qomiyadaha Itobiya ee la gumaysto. Waxa aan sugnaaba waa iska hor imaad lagu riiqdo oo burbur badan oo jiitama oo laysku dayayo in laysku hortaago gobonimada qawmiyadaha Itoboya oo aan la hurayn. Awoodda Itiyobiya waxa manta gacanta ku haya qowmiyada Amxaaradu dilootay ee Oromada oo ciil badan qaba. Waxa ay ku taamayaan in aan dib loo gumayn. Waxa haboon in sidii Jamhuuriyadahii Midawga Soofeti la kala faataxaysto oo aan dhiig badan aan la qubin.

Itobiya waa dal la dhismay istimaarkii reer Yurub marku Afrika qaybsaday laga soo bilaabo jabkii taliskii Islaamka iyo qaybsigii Afrika ee 1884 (African partition of 1984). Xadadka 54ta dal ee Afrika waxa jeexay reer Yurub marka laga reebo kan Itobiya oo Amxarkii boqor Menelik sheegtay qawmiyadaha Itobiya gumaysato, iyada oo gumaysigii Yurub gacan ku siinayo.

Amxaarada oo la jaal ahayd Isticmarkii Ingriska, Faransiiska, Germanka iyo Isticmarkii reer yurubka kale, waxay hirgelisay dhaqankii guumaysiga reer Yurub ku dulaynayay dadka ay gumaystaan oo ay ku khasbayeen. Waxay dadkii ay gumaysanayeen ee Oromada, Soomalida, Cafarta, iyo qowmiyadihii kaleba ku khasabtay barashada afka iyo dhaqanka Xabashida sida gumaystayaashii reer Yuruba ay Afkooda iyo dhaqankooda ugu khasbeen inay bartaan Afrikaankay gumaysanayeen. Afka Amxarku wuxu noqday afka rasmiga ah ee maamulka waxbarashada iyo dhaqnka Itobiya.

Gumaystayaasha reer Yurub wey kala gobaysnaayeen. Waxa ay dadlalka Afrika gobonimo heleen intii u dhaxaysay 1950-1970. Ingriiska oo ugu macquulsanaa wuxu bilaabay in u Afrika dadku ka guumaysanayay gobonimo siiyo laga bilaabo 1950 (Ghana). Waxa ku xigay Faransiiga oo aad u dhaqan xumaa oo rafaad badan lagala kulmay dalalka u gumaysanayay. Waxase ugu axmaqsanaa Portageska oo raftay ilaa 1970. Isticmarka Itobiya intaba waa ka liitaa oo kan ilaa iminka soo gaaray ee neeftuuraya ee ay Khasab tahay inu xoreeyo qawmiyaduhu guumaysanayay in ka badan 100 sano.

Su’aashu waxay tahay maxaa Istimaarka Itobiya u cimri dheeraya ee u 50 sano ka badan uga danbeeya Afrikadi xorowday marka laga reero Spanish Sahara. Jawaabtu waxay tahay, marka koowaad Amxaarku wuxu la jaal ahaa isticmaarkii reer Yurub oo ay xulufo ahayeen laga soo bilaab dagaaladii jahaadka ee dhex maray Islaamka iyo gaalada reer Yurub, iyada oo Amxaaradu ku beer-laxawsanaysay reer Yurub ‘waxaan nahay gasiirad ku dhex taal bad Islaam ah.’ Marka labaad wey adkayd in Afrikada madow laga dhaadhiciyo in ay jiro Afrikaan wax guumaysta. Marka seddexaad Amxaarku dadku gumaysato inta badan waa dad muslim ah oo aan reer Galbeedku u garaabayn, Afrikanka inta badanina ay tahay masiixiyiin oo Amxaarku diin ugu hiilinayo. Tusaale Ahan Madaxweynihii Tanzania Nyerere wuxu Soomaalida ku hayay dagaal joogto ah oo diin ku salaysan oo uu ugu hiilinayay Itobiya

Maanta waxa rafanaya waa guumaysigii Amxaarada oo ku riyoonaya inay Itiyobia ku ceshaan waqtigii Xayle Silaase. Waxase kadabka Amxaaradu go’ay markii Tigregu dalka qabsaday 1990 ee ay abuureen 9ka gobol oo 8deed yihiin kuwii la gumaysanayay. Amxaarada iyo Tigrega oo taariikh ahaan xukunka ku loolami jiray, Males Zenawi wuu ku talo galay in ayan Amxaaro u suurto gelin mar kale in ay gacantooda ku soo noqoto Itobiya oo midaysan. Maanta Amxaaradu waxay ku sugantay sakaraad ayan ka kacayn, Waxase werwer ka jiraa qowmiyadaha la gumaysanayay oo aan diyaar u ahayn in ay hantaan gobonimada u soo hoyatay. Ilahow Soomali xafid!