600 Deg Deg:Puntland Xidhay Culimo iyo Nabadoono Ku Dhawaaqay Ku Dhaqanka Shareecada Islamka. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Puntland Xidhay Culimo iyo Nabadoono Ku Dhawaaqay Ku Dhaqanka Shareecada Islamka.

Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay, saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen, shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen, in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhammaantood loo wareejiyay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...