Nimco Cali oo ah gabadh reer Somalilandna una ololeysa Cidhibtirka Gudniinka Fircooniga ah, ayaa wareysi ay siisay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxay ku tidhi:

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

“Istareexa iyo ku raaxaysiga Galmadu waa xuquuq aadame, waxaanan u huray naftayda sidii loo ilaalin lahaa”

Nimco ayaa haysata dhalashada dalka Ingiriiska, iyadoo ka hadlaysay siyaasadda xisbiyada Ingiriiska ee ku aaddan arrimahan waxay tidhi:

“Qof ahaan iyo siyaasad ahaanba, xisbiga Asalraaca ayaa xubintayda taranka u roon marka la barbardhigo xisbiga Shaqaalaha, sababtaas ayaanan u jecelahay.”

Nimco ayaa dhawaan la kulantay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo horeyna ugu hambalyeysay in uu saxeexay xeerkii Kufsiga ee muranka badan dhaliyay.